Isku xirrada

Shirka Warbaahinta Soomaaliya Oo Furmay


Muqdisho

Muqdisho

Kulankan oo looga hadlayo qorshaha horumarinta warbaahinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shir weyne loogu arrinsanayo horumarinta iyo istiraatiijiyadda warbaahinta Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah (1/11/2016) ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Somalia ayaa waxaa ka qeyb galaya, wasaaradaha warfaafinta dowlad-goboleedyada, ururrada saxaafadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya.

Waxaa shirka looga hadlayaa laba qodob oo mid uu yahay sidii loo dejin lahaa qarshaha horumarinta weriyaha iyo warbaahinta Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota.

Qodobka labaad, ayaa ah soo bandhigidda sharciga saxaafadda Soomaaliya ee dhowaan hir-galay kadib markii uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wariyeheenna Magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan soo diray.

XS
SM
MD
LG