Isku xirrada

War

Shirka Wadatashiga ee Muqdisho


Shirka Wadatashiga ee Muqdisho

Shirka Wadatashiga ee Muqdisho

Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga arrimaha Somalia.

Shirkan oo ka dhacay xarunta dugsiga Xalane ee garoonka diyaaradaha ayaa waxaa guddiyo la soo xulay ay maanta ka doodeen qodobo ay ka mid yihiin amniga, dib-u-heshiisiinta, dastuurka iyo qodobo kale.

Shirkan maanta waxa lagu heshiisiiyay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, C/raxmaan Faroole iyo Max'ed Axmed Caalin oo isku khilaafay dagaalka Gaalkacyo.

Agustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee QM ee Somalia ayaa madaxda shirka maanta u sheegay in looga baahan yahay in waxqabad ka duwan kuwii hore la yimaadaan.

Shirka ayaa la filayaa in berri la soo afjaro.

XS
SM
MD
LG