Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Madasha oo Muqdisho ka Furmay


Madasha
Madasha

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka madasha wadatashiga Qaranka oo ah kii ugu dambeeyay shirar ka dhacayay dalkeena Soomaaliya.

Shirkan oo soconaya laba maalmood ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ah beesha caalamka.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa arrimo la xiriira dhameystirka hannaanka doorashooyinka dhawaan ka dhici doonta dalka Soomaaliya oo u muuqata mid dib uga dhici karta waqtigii loogu talo-galay.

Arrimaha maanta la isla soo qaaday ayaa waxaa ka mid ah sidii la iskula meel dhigi lahaa kuraasta ay haweenka ku yeelanayaan baarlamanka cusub ee Soomaaliya oo ah 30%.

Geb-gebada shirka ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhowaaqo waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Shirka Madasha oo furmay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:53 0:00

XS
SM
MD
LG