Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Suuqa Alaabta Celiska ah ee Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay suuqyo lagu iibiyo alaabada soo celiska ah ama duugga ah, gaar ahaan qalabka korontada ku shaqeeya sida, Comupter-ada gacan qaadka ah, rikoorada iyo Taleefanada Gacanta.

Alaabada lagu kala iibsado suuqyadan ayaa waxaa ka mid ah kuw la soo dhacay ama la soo xaday oo inta badan buuq iyo muran suuqyadaa ka dhex dhaliya.

Qalabkan ayaa inta badan lagu iibiyaa lacag aad u jaban taasi oo soo jiidata dad badan oo raadinaya alaab raqiis ah oo ay iibsadaan.

Wariyeheena Axmed Xassan Colaad ayaa tagay mid ka mid ah suuqyada, warbixintan ayuuna ka soo diray.

Suuqa Qalabka lasoo xado ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG