Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Baydhaba ka Furay Shirka Madasha


Madaxweyne Xasan iyo Shariif Xasan
Madaxweyne Xasan iyo Shariif Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo oo uu si rasmi ah uga furay shirka Madasha qaran.

Shirka madasha oo lagu waday inuu furmo maalintii isniintii ee lasoo dhaafay ayaa dib u dhacay, ayada oo aan la shaacin sababta, waxaase uu dib u furmay gelinka dambe ee maanta.

Waxyaabaha la filayo in shirka looga doodo ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda, sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Madaxda la filayo inay shirk aka qeyb galaan waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno kale.

Warkan waxaa Baydhaba kasoo diray Catoosh

Shirka Madasha oo furmay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00

XS
SM
MD
LG