Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xafiisyada & Iskuulada Washigton oo La Xiray


Washington Snowfall
Washington Snowfall

Xafiisyada dowladda iyo Iskuullada ku yaalla Washington DC iyo hareeraheeda ayaa la xiray maanta oo Isniin ah.

Xafiisyada dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah la xiray, iyadoo magaaladu ay iska gurayso kana soo kabsanayso barafkii ka da'ay.

Tareennada dhulka hoostisa mara ayaa wakhtiyo kooban socon doono.

Iskoollada magaalada iyo hareeraheeda ayaa xiran maanta oo Isniin ah, iyadoo duulimaadyaduna ay si tartiib tartiib ah looga bilaabi doono saddexda garoon ee ku yaalla magaalada Washington DC.

Dadku waxay bilaabeen inay iska guraan oo iska nadiifiyaan barafkii da'ay, balse saraakiishu waxay sheegayaan in maalmo ay qaadan doonto in xaaladdu caadi ku soo noqoto.

Ugu yaran 24 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen shilal barafka la xiriira, waxaana ku jira kuwa wadnuhu istaagay iyagoo barafka qodayay.

Magaalada Washington iyo hareeraheeda waxaa ka da'ay baraf dhan 76 centimeter. Magaaladla Baltimore waxaa ka da'ay barafkii u badnaa taariikhda magaalada oo gaarayay 74 centimeter, Barafka ayaa gobolka u keenay daadad.

Magaalada New York barafkii da'ay waxaa lagu qiyaasay s 68 centimeters, wuxuuna ahaa kii labaad ee ugu weyn ee halkaasi ka da'a tan iyo 1869.

101 centimeter baraf gaaraya ayaa wuxuu ka da'ay meel u dhow magaalada Harper's Ferry ee West Virginia.

XS
SM
MD
LG