Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Istanbul ee Arrimaha Soomaaliya


Shirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ee ka socda magaalada Istanbul ayaa maalintii labaad socday, iyadoo la filayo in maanta la soo afjaro.

Kulanta maanta oo looga hadlayo arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya iyo sida looga bixi karo xilliga kala guurka waxaa khudbado ka jeediyay, xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ban Ki-moon, isagoo bulshada caalamka ku boorinaya in ay gacan ka geystaan kor u qaadista ammaanka Soomaaliya.

Ban Ki-moon waxa uu wakiiladii shirkaas ka soo qeyb galey oo ka kala socdey 54 waddan u sheegey in wakhtigan ay Soomaaliya ku furan yihiin argagixiso, burcad-badeed iyo abaaro uu waddanku u baahanyahey in isku duubni ay bulshada caalmka ka yeelato taageerista Soomaaliya.

Mr Ban Ki-Moon waxa uu intaas raaciyey, in guul laga gaadho dhismaha hay'addaha ammaanka, sharciga iyo kala-dambeynta sugta, ay u baahantahey in gabi ahaan Soomaalida iyo Bulshada Caalamku ka wada qeyb-galaan.

XS
SM
MD
LG