Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Ghana ee Arrimaha Soomaaliya


Shirka Ghana ee Arrimaha Soomaaliya
Shirka Ghana ee Arrimaha Soomaaliya

Magaalada Accra ee dalka Ghana waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan taageerada hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Shirkan ka dhacay dalka Ghana ayaa waxaa ka soo qeyb galay khudbadona ka jeediyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Ghana John Evans Atta Mills, madaxweynihii hore ee Ghana Jerry John Rawlings, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Sharif Hassan Sheikh Aden iyo ergeyga QM u qaabilsan Somalia Augustine Mahiga.

Waxaa halkaasi sidoo kale ku sugunaa mas’uuliyiinta ka tirsaan urur goboleedka IGAD.

Waxay mas’uuliyiinta shirka ka soo qeyb galay ugu horeyn soo dhaweeyeen magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana Jerry John Rawlings oo loo magacaabey inuu midowga Africa u noqdo egeyga sare ee arrimaha Somalia u qaabilsan waxayna mas’uuliyiinta kala duwan ee arrimaha Somalia ku howlan carrabka ku adkeeyeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Rawlings si looga sal gaaro xal u helidda dhibaatada Somalia.

Shirkan ayaa looga hadlay carqaladaha ka taagan Somalia iyo sida ay midowga Africa u caawin karto.

Waxaa si gaar ah diiradda loo saarey sidii loo joojin lahaa baahida loo qabo in beesha caalamka ay caawiso baarlamaanka ku meelgaarka iyadoo la xusey in xilliga ay kordhisteen

Waxaana ay mas’uulyiiinta isku wada raaceen in hadafka guud ee mustaqbalka uu yahay in dastuurka dalka la qoro oo lagu bilaabo qoritaanka mid qabyo ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadley doorka ay baarlamaanka ay Africa u dhantahay ay ka ciyaari karaan arintan.

Qodobada ka soo baxay shirkan oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta ayaa waxaa ka mid ah in DKMG ay xiriir la sameyso maamulada maxalliga ee gobolada kala duwan ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa lagula taliyey in ay oday dhaqameedyada, saxaafadda, dumarka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada dalka ay la tashadaan.

Waxaa mas’uuliyiinta dowladda lagu dhiiri geliyey in ay tilaabo kasta ee lagu hirgelin karo in dastuur qabyo ah la qoro ay qaadaan.

Waxaa kaloo laysku afgartey in baarlamaanka ay Africa u dhan tahay ay diiradda saaraan si marxaladda Somalia ka taagan caalamka loo ogeysiiyo iyaguna ay si joogta ah oga hadlaan

Waxaa saxaafadda qaaradda ka socotey loo soo jeediyey in ay falkeeda qabtaan sidii dowladaha kala duwan ee Africa loogu soo jedin lahaa nabadeynta Somalia iyo taageerada ay u fidin karaan.

Ugu dambeyntii waxaa beesha caalamka gaar ahaan qarama midoobey iyo IGAD loo soo jeediyey in ay kordhiyaan kaalmada ay u fidiyaan howlgalka Amisom iyo ciidamada dowladda Somalia.

VOAda ayaa waraysi kala yeelatay xildhibaan Cabdulaahi Axmed Afrax oo shirkaasi ka qayb galay, isaga oo ka warramay waxayaabaha ka soo baxay.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG