Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Caalamiga ah ee Istanbul


Shariif iyo Cabdulla Gul
Shariif iyo Cabdulla Gul

Shir Caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Somalia ayaa ka furmay Istanbul. Sh. Sharif ayaa kulan la qaatay madaxweyne Abdullah Gul.

Magaalada Istanbul ee Turkey, waxaa maanta ka bilaabmay shir caalami ah oo ay ka soo qeybgalayaan madax caalami ah oo uu ka mid yahay Ban ki-moon, Xoghayaha guud ee QM midoobay iyo waliba wafuud kale oo ka socda beesha Caalamka.

Shirkan waxaa dhinaca kalena ka soo qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Shariif iyo madax ka kala socota maamul-gobolleedyada Somalia iyo waliba ganacsato Soomaali ah oo ka kala yimid daafaha Dunida.

Shirka koowaad ee maanta oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogeyn ayaa ahaa mid u dhaxeeyay madaxda caalamiga ah, wuxuuna ahaa shir albaabadu u xiran yihiin, madaxda Somalida ayaan shirka qeybtiisa koowaad aan ka qeyb galin marka laga reebo wasiirka Tacliinta, Maxamed C/laahi Oomaar. Shirkan waxaa looga hadlay xaallada Somalia iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale shir labaad oo maanta dhacay ayaa waxaa yeeshay ganacsato Soomaali ah oo ka kala yimid dibedda iyo gudaha waxaana shirka ku wehelinayay ergayga gaarka ah ee XGQM Axmedou Walad Cabdalla. Axmadou wuxuu ganacsatadaasi u sheegay inay ganac ka qaataan xal u helida Somalia, sidoo kalena ay beesha caalamka tusaan in Somalia arrimaheeda kaliya uusan dagaal ku koobneyn ee dhinaca ganacsiga ay horumar ka gaareen.

Shirka intiisa ugu muhiimsan oo berri furmi doona ayaa waxaa si wadajir ah u furi doono ra'iisul-wasaaraha Turkiga iyo Xoghayaha Guud ee QM Ban ki-moon.

Wareysi VOA la yeelatay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Axmed Jaamac Jangali qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG