Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka London ee Somalia & Somaliland


Waxa maalintii labaad ka sii socda magaalada London wada hadal dhex marayay ergo ka socotay DKMG ah ee Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Kulankan oo shalay ka furmay halka la yirahdo Kent ee duleedka London ayaa shalay la isku mari waayay agendayaasha la doonayay in Maanta shirku uu si toos ah u guda galo.

Waxaa kaloo laga yaabaa maadaama shalay shirku aanu wax talaaba ah qaadin in la kordhiyo waqtiga oo shirku sii socdo ilaa iyo gelinka hore ee jimcaha berita ah.

Wareysi ku saabsan shirka oo aan saakay la yeelanay wariyeheena Ridwaan Xaaji Cabdi wali halkan hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG