Isku xirrada

War

Shir Somalia ku saabsan oo S. Afrika ka Dhacay


Waxaa dalka Koonfur Afrika ka dhacay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay ka qeybgaleen Qurbe Joog.

Shirweyne ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo indheer-garad ka socota qurbaha ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Koonfur Afrika.

Max'ed Xuseen Gudbaaye oo ka tirsan aqoonayahannada Soomaalida oo ka tagay magaalada Minneapolis ee Maraykanka ayaa VOA u sheegay in shirkaasi looga hadlay arrime ku saabsan xaaladda kala guurka ee dalka Soomaaliya, waxaana ka soo baxay talooyin la xiriira sidii xaaladdaasi loo wajihi lahaa.

Talooyinka ka soo baxay waxaa ka mid ah in iyadoo la isla tashanayo la isla meel dhigo sidii looga gudbi lahaa marxaladda KMG ah, lana raadiyo hab macno leh oo adag oo loo wajihi karo marxaladda xigi doonta xiliga kala guurka.

XS
SM
MD
LG