Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Madaxeedka AU oo Kampala ka Furmaya


Shir Madaxeedka AU oo Kampala ka Furmaya
Shir Madaxeedka AU oo Kampala ka Furmaya

Shirkan waxaa ka qeybgalaya Xeer ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder oo ka hadli doona Qaraxyadii ka dhacay Kampala.

Hogaamieyaal African ah ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmaya shir-madaxeedka 15aad ee Midowga Afrika.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder ayaa khudbad ka jeedin doona shirkaasi, labo todobaad muddo hadda laga joogo ka dib markii ay magaalada Kampala ka dhaceen labo qarax oo mataana ah oo lagu dilay 76 qof.

Holder waxaa la rajeynayaa inuu ka hadlo qaraxyadaasi lala beegsaday dad daawanayay ciyaartii kama dambeysta ee koobka kubadda cagta Adduunka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Koonfur AFrika.

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ku sugan magaalada

Kampala si uu uga qeybgalo shir madaxeedka Midowga Afrika, oo sanadkan ajendaha ugu muhiimsan uu yahay xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Uganda Okello Oryem ayaa sabtidii u sheegay wakaaladda wararka ee dalka

Faransiiska (AFP) u sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga inta uu socdo kulanka iyo booqashooyinka rasmiga ah ee madaxda caalamka.

Qaraxyadii gilgilay magaalada Kampala 11-kii bishan waxaa sheegatay kooxda al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay aargoosi u ahaayeen ciidamada ay Uganda u soo daadgureysay Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG