Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Shirguddoonka Guurtida oo heshiin waayay


Shirguddoonka Guurtida
Shirguddoonka Guurtida

Shirguddoonka golaha Guuritada Somaliland ayaa fadhiga golahaasi ka sheegay in xal loo waayay khilaafka u dhaxeeya gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa.

Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta fadhiga Golaha ka hor caddeeyey sida ay xalka ugu la'yihiin khilaaf waayadanba ka dhex aloosnaa Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, iyagoo xildhibaanada golahana ugu baaqay inay soo dhex galaan waxayse ku kala aragti duwanaadeen sida goluhu u soo dhexgelayo.

Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ugu horrayn fadhiga ka sheegay in khilaafkii u dhexeeyey Shirguddoonka Golaha Guurtida ay ku guuldaraysteen inay xalliyaan balse ay isla qaateen inay golaha ku soo celiyaan

''Haddaanu shirguddoonkii nahay annaggaa u baahanay inaanu dhinacyada golaha taladoodana wax ka qaadanno, go'aankii guud markaa sidaa ku gaadhno'' sidaa waxaa yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida

Waxa aragti la mida tan Guddoomiyaha la qaatay Guddoomiye ku xigeenkiisa Koowaad Sh. Axmed Nuux Furre

''waxaannu u baahannay inaanu golihii arrinkii ka qayb gelinno, sidaa uu guddoomiyuhu u yidhi in guddi la saaro, guddigaasi wax soo qabato, waxay soo qabato ay noo keento, dabadeedna golaha loo gudbiyo, arrinku sidaa loo dhigayo ayuu u muuqday waa wax golihii lagala maarmi waayay'' sidaana waxa sheegay Sh. Axmed Nuux Furre

Inkasta oo saddexda xubnood ee shirguddoonka guurtidu ka kooban yahay ay is aragti ka yihiin inay ku guuldaraysteen in khilaafkooda ay dibedda ku soo dhamaystaan iyo in golaha lagu soo celiyo si uu ugu garnaqo hadana waxay ku kala aragti geddisan yihiin sida loo gelayo xallinta khilaafkan u dhexeeya shirguddoonkooda, Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo ku xigeenkiisa Sh. Axmed Nuux Furre ayaa isku aragti ka ah in khilaafkooda loo xilsaaro guddi gaara halka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha guurtidu Siciid Jaamac Cali uu isagu aaminsan yahay fikir kaa ka duwan:

''Sidaa ay guddoomiyayaashu idiin sheegeen hawshii aad muddada naga sugayseen dhinacayaga way ka dhammaan weyday, hadalka waan idiin caddaynaynaa, tafaasiil idiin geli mayno waxa ay u dhammaan weyday iyo cidda ay ka dhamaan weyday, haddii ay naga dhamaan weyday oo aarintii isla riixriixnay, waa mide aakhirkii waanu isla garanay inaanu golaha arrinta ku soo celinno, laakiin farsamadii aanu golaha ugu soo celin lahayn aniga iyo guddoomiyayaashu waanu ku kala aragti gedisannahay, runtaan idiin sheegayaa, haddii aanu golihii ku soo celinayno waa in talada golaha loo daayaa ee maaha in aanu amar ku tuurno, taasaanu ku kala aragti gedisannahay'' Sidaa waxa yidhi Siciid Jaamac Cali Guddoomiye Xigeenka labaad ee Guurtida.

Fadhiga Golaha ee maanta oo uu buuq iyo xamaasad badani ka muuqatay, waxa guddoomiye Saleebaan uu ku adkaystay in khilaafkooda uu gelayo guddi gaara oo ka kooban sideed xubnood

''Mushkiladda Golihii aannu ka dhex qaadnay ugumaanaan soo celin inaan misna ku soo dhex tuurno, oo hadana lagu qaybqaybsamo sida muuqata, waxaanu ugu soo celinay inaanu golihii kala tashanno, oo aannu guddi kooban oo aanu magcawno kala tashanno oo dhinacyadeeda leh, laakiin golahaannu ku soo dhex tuurnay ma noqonayso xal, guddidiina waanu magcaabaynaa waanuna idiin sheegaynaa'' sidaana waxa yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Inkasta oo xildhibaannadu ay dareen xamaasadi ku dheehan tahay ugu kala fikir duwanaadeen aragtiyaha xalraadinta ah ee shirguddoonku u soo gudbiyey golaha, hadana tani waxay muujinaysaa in khilaafka oo markii hore ku koobnaa shirguddoonka uu iminka ku soo dhex fiday mudanayaashii golaha.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixinta Hargeysa iyo wareysiga gudoomiye-ku-xigeenka 2aad Siciid Jaamac

XS
SM
MD
LG