Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Caalamiga ee Arimaha Aidska


Qiyaastii 25 kun oo qof oo ka mid ah baarayaasha ugu sarsareeya ee Cudurka Aidska, hogaamiyeyaasha siyaasadeed, diplomaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa isugu imanaya saakay oo axad ah Magaaladan Washington shirka caalamiga ah oo looga hadlayo Aidska

The biennShirkan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa ka socon doona Magaaladan Washington ilaa iyo 27ka bishan July.

Wshington ayaa ka mid ah magaalooyinka tirada ugu badan ee cudurka Aidska qaba dalkan Mareykanka ay ku noolyihiin.

Firuska la yirahdo HIV ayaa caadiyanba marka dambe sababa xanuunka Aidska ee yareeya difaaca jirka una nugleeya cudurada inyo infectionada.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton, Madaxweynihii hore Bill Clinton iyo mardii madaxweynihii hore Laura Bush ayaa ka hadli doona shirka.

Masuuliyiinta kale ee sar sare ee ka hadli doona waxaa ka mid ah madaxa baanka aduunka Jim Yong Kim, iyo maamulaha Shirikadda Microsoft Bill Gates.


XS
SM
MD
LG