Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil-Baabuur oo 11 Qof ay ku Dhinteen


Shil-Baabuur oo 11 Qof ay ku Dhinteen
Shil-Baabuur oo 11 Qof ay ku Dhinteen

Shilka baabuur wuxuu ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Xaarxaar.

Dad gaaraya 11 qof ayaa ku dhimatay gaari ku rogmaday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dad gaaraya 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Gaariga rogmaday oo noociisu ahaa kuwa xamuulka qaada ayaa ka yimid deegaanka Xagardheer ee dalka Kenya, waxana uu ku rogmamaday duleedka tuulada loo yaqaan Xaarxaar ee duleedka Kismaayo.

Dadka ku dhintay shilkaasi baabuur waxaa ku jira 5 caruur ah inta kalena ay yihiin dad waaweyn oo ay haween ku jiraan.

Maamulka hoostaga kooxda al-Shabaab ayaa u gurmaday dadkaasi uu ku rogmaday gaariga, waxaana la sheegaya dadka dhaawacmay qaarkood in xaaladoodu ay aad u liidato.



XS
SM
MD
LG