Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Virginia: Dacwad Burcadbadeednimo


Virginia: Dacwad Burcadbadeednimo
Virginia: Dacwad Burcadbadeednimo

Qoyska Maxamed Shibin ayaa ku dooday inaysan ku caddeyn karin wiilkooda inuu ka tirsanaa burcadbadeed.

Qareen Maraykan ah oo u doodaya nin la yiraahdo Maxamed Shibbin oo ah nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal burcadbadeed ah ayaa sheegay in ninkaasi uusan wax dambi ah lahayn.

Qareenkan oo lagu magacaabo James Brockletti oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in dalkan Maraykanka la keenay maalintii shimcaha ahayd ee ku beegnayd 8-da April. Waxa uu sheegay in dacwadaha loo haysto ay tahay saddex dacwadood oo ku saabsan fal burcadbadeednimo, isku day afduub iyo shirqool afduub.

Hase yeeshee ehelada ninka Soomaaliga ah ee la sheegay in ciidamada FBI-da Maraykanka ay kasoo qaybteen Soomaaliya ayaa beeniyey eedaha loo haysto ee budhcad badeednimada.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Saalax Cali Shibin ayaa maxkamad ku talala gobolkan Virginia la horkeeni doonaa bshan April 27-keeda isagoo loo haysto eedo ah inuu wadaxaajoodka u qaabilsana abudhcad badeedii qabsatay doon kuwa lagu raaxaysto ah oo ay saarnaayeen afar qof oo Maraykanka kuwaasi oo ay diuleen budhcad badeedda Soomaalida bishii Febraayo .

Axmed Cali Shibin oo adeer u ah ayaa VOA-da u sheegay in Maxamed Saalax Cali Shibin uusan ka mid ahayn budhcad badeedda.

XS
SM
MD
LG