Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Mukhtaar oo Aas Qaran Loo Sameeyey


Waxaa Magalada Muqdisho maanta lagu aasay Allaha u naxariistee Guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo 12-kii bishan June ku geeriyooday magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

Aaska Marxuum Sheekh Muqtaar ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sarresay dowldda ku meel gaarka ah ee Soomaliyo, xubnaha baarlamaanka, qaybaha bulshada iyo qoyskiisa. Naxashka lagu siday maydka Marxuumka ayaa lagu dahaaray calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa salaadda janaasada dadka ka qayb galay aaska ku tujiyay barxad loo diyaaraiyay oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa aaska Marxuum Sheekh Mukhtaar ka qayb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden oo dhamaantood ka hadlay shqasiydda iyo taariikhda marxuumka, iyagoo ku sifeeyay inuu ahaa masuul shaqsiyad wanaagsan lahaa.

Warbixinta aaska oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

XS
SM
MD
LG