Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Attam: Annagu Shabaab Kama Tirsanin


Sheekh Attam: Annagu Shabaab Kama Tirsanin
Sheekh Attam: Annagu Shabaab Kama Tirsanin

Hogaamiyaha Maleeshiyada Galgala Sheekh Attam ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn kooxda al-Shabaab.

Hogaamiyaha maleeshiyada lagu xiriiriyo inay u janjeerto Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan ka tirsanayn kooxda al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Siciid attam oo wareysi khaas ah siiyay Idaacadda VOA ayuu wuxuu ku sheegay inaysan jirin cid ka tirsan al-Shabaab amma ajaanib oo iyaga dhinacooda ka barbar dagaalameysa.

Wuxuu ku eedeeyay maamulka Puntland inay go’doomin ku sameeyeen degmada Galgala, ayna u diideen ayuu yiri dadka shacabka ah inay ka baxaan amma soo galaan Galgala.

Sheekh Atom ayaa sheegay in uusan wadahadal la geli doonin maamulka madaxweyne Faroole oo uu ku tilmaamay mid aan xor ahayn.

XS
SM
MD
LG