Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Xukuumad Kooban ayaa la Dhisi Doonaa


Shariif: Xukuumad Kooban ayaa la Dhisi Doonaa
Shariif: Xukuumad Kooban ayaa la Dhisi Doonaa

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la hadlay xildhibaanada baarlamaanka.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna aqalka madaxtooyada kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka.

Mahad celin ka dib madaxweynuhu wuxuu xildhibaanada uga warramay safarkii uu dibadda ku soo bixiyay oo uu ugu horreeyo dalkan Maraykanka. Wuxuuna sheegay in guul laga soo gaaray.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa wakhtigan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo ra’iisal wasaare cusub, tani markii uu iscasilay ra’iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Mar uu ka hadlay arrinta soo magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub wuxuu sheegay in tashiyo badan laga sameyn doono, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xukuumadda xigta ay noqondoonto mid kooban oo tayo leh.

XS
SM
MD
LG