Isku xirrada

War

Shariif Xasan oo Wareysi Siiyay VOA


Shariif Xasan oo Wareysi Siiyay VOA

Shariif Xasan oo Wareysi Siiyay VOA

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shirka lagu wado in Muqdisho uu ka dhaco bisha June.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beeniyay inuusan dooneyn in shirka lagu wado in Muqdisho lagu qabto bisha June, ee la filayo inay isugu yimaadaan dhinacyada Soomaalida ee dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan kula qaatay magaalada Nairobi.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu doonayo in doorashada madaxda dowladda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, sidaasi darteed aysan jirin sabab uu u doorbido in kulanka laga wareejiyo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in kulankaasi ay ka soo qeybgeli doonaan Dowladda KMG ah, Maamulada Puntland iyo Somaliland, iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu rajaynayo in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dr. Mahiga uu fududeeyo shirkaasi, ayna si wadajir ah u qaban qaabiyaan guddiyo isku dhafan.

XS
SM
MD
LG