Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Soomaaliya Cunaqabateynta Ha laga Qaado


Shariif: Soomaaliya Cunaqabateynta Ha laga Qaado
Shariif: Soomaaliya Cunaqabateynta Ha laga Qaado

Madaxweynaha DKMG Shariif Sh. Axmed ayaa ka qeybgalay gaba-gabada shir looga doodday hirgelinta qorshaha tubrta nabadda ee heshiiskii Muqdisho. Shariif wuxuu sheegay in beesha caalamka laga doonayo inay bixiso kharashka ku baxaya hirgelinta heshiiskii Muqdisho.

Shariif wuxuu dhanka kale ka codsaday beesha caalamka in cunaqabteynta laga qaado Soomaaliya si dowladdiisu awood ugu hesho inay ammaan ku soo celiso dalka.

Shariif ayaa sheegay inay jirto lacago badan oo magaca Soomaaliya lagu soo qaado oo aan la ogeyn meesha ay mareen, isagoo xusay in loo baahan yahay in dowladdiisa lagala tashado qaabka loo maamullayo lacagaha Soomaaliya loo soo helo.

Mar uu ka hadlayay dib u habeynta baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay inuu soo jeedinayo in baarlamaanka laga dhigo 275 xubnood ama dib loo soo dhiso baarlamaan cusub.

Dhageyso warbixinta ka hadlaysa shirka Muqdisho ku soo xirmay.

XS
SM
MD
LG