Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif oo ka Hadlay Muranka Cusub ee Baarlamaanka


Shariif oo ka Hadlay Muranka Cusub ee Baarlamaanka
Shariif oo ka Hadlay Muranka Cusub ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka cusub ee soo foodsaaray baarlamaanka KMG ee Somalia.

War-saxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne Shariif uu ka wel-welsan yahay go’aanka sida kedis ah u dhacay ee xubno ka tirsan baarlamaanku ay xilkii uga qaadeen guddoomiye Shariif Xasan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan oo aan ahayn mid cusub ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah isagoo sheegay in tani tahay talaabo aan la fileynin oo dareenkeeda leh.

War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu wado baaritaan iyo ka baaraandagid ku aadan daruufaha keenay in qaar ka tirsan xildhibaanno ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Somalia ay imika ku jirto duruufo gaar ah sida la dagaallanka Al-Shabaab, Fulinta Qorshe-Howleedka (Roadmap) iyo Gaarsiinta gargaarka bino’aadnimo, isagoo ugu baaqay mudanayaasha Baarlamaanka iney joojiyaan sii wadidda khilaafaadka, gartaanna masuuliyadda ka saaran habsami u socodka howlahaBaarlamaanka iyo ilaalinta sharciga.

Madaxweyne Shariif wuxuu war-saxaafadeedka ku sheegay in tallaabo kasta oo la qaadayo la waaafajiyo axdiga KMG ee Somalia.

Hadalkan Madaxweyne Shariif ayaa imanaya iyadoo guddoomiye kuxigeenka baarlamaanku uu maanta madaxweynaha ugu baaqay inuu caddeeyo fikirkiisa ku aadan khilaafka baarlamaanka haddii kale loo qaadan doono inuu ka danbeeyo qalalaasaha ka dhex taagan baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG