Isku xirrada

War

Shariif: Hala Qaado Cunnaqabeyta Hubka

  • VOA Somali

Shariif: Hala Qaado Cunnaqabeyta Hubka

Shariif: Hala Qaado Cunnaqabeyta Hubka

Mweyne Shariif Sh. Axmed ayaa QM ka codsaday in cunnaqabteynta hubka laga qaado Somalia si ciidamada dowladda loo dhiso loona xoojiyo.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in cunnaqabteynta hubka ee Soomaaliya saaran ay tahay caddaalad darro, isla markaana horistaagayso cid walba oo taageerri lahayd Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ka sheegay madaxweyne Shariif, dibedbax ay dowladdu soo abaabushay oo lagu diiday yahay midowga al-shabaab iyo alQaacida oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in wakhtigan lagu jiro ay adag tahay in la qaado cunnaqabateynta hubka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG