Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Ethiopia sooma dirayso ciidan


Madaxweyne Sh. Shariif
Madaxweyne Sh. Shariif

Madaxweyne Shariif ayaa wareysi qaas ah oo uu VOA siiyay ku sheegay in Ethiopia aysan diyaar u ahayn inay Somalia ciidan u soo dirto.

Madaxweynaha DKMG ah ee Somalia, Sharif Sheikh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aammadii kasoo baxay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ay horraantii toddobaadkan ku yeeshaan magaalada Addis Ababa.

Wareysi gaar ah, oo uu Madaxweyne Shariif siiyey VOA-da, ayuu ku sheegay in shirkii IGAD uu ahaa mid muhiim ah oo madaxda IGAD ay si midnimo leh u soo saareen go'aanno muhiim ah oo ku saabsan Somalia.

Shariif, wuxuu sheegay in shirkaasi IGAD lagu heshiiyay in la dhiso ciidankii qaranka Somaaliyeed oo IGAD-na ay balanqaaday inay gacan ka geysan doonto dhismahiisa. IGAD waxay kaloo ku heshiisyay ayuu yiri dhamaystirka ciidamada AMIDOM oo lagu soo biiriyo 2-dii kun ee ka dhinnaa, sidoo kalena 12-kun oo ciidan ah IGAD ay ka raadiso waddamada Africa.

Madaxweyne Shariif, wuxuu ka dhawaajiyay in ciidamada Ethiopia aysan diyaar u ahayn inay Somalia yimaadaan, waxaana arrintaasi shirka ka sheegay ra'iisul-wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi. Shariif wuxuu sheegay in Ethiopia iyo Somalia ay colaadi soo dhexmartay balse ay haatan heshiis yihiin, kana wadashaqeynayaan sidii dalka Somalia nabad looga dhalin lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kaalinta IGAD ay ku sinnaan doonto oo kaliya sidii loo soo uruurin lahaa loona qalabeyn lahaa ciidamada Somalia loo soo dirayo.

Mar uu ka hadlayay guuldarrada ay dowladdiisu ku guuldaraysatay inay ka adkaato kooxaha mucaaradka, wuxuu sheegay inay ugu wacan tahay iyadoo dowladdiisu aysan haysan ciidamo xoog badan, wuxuuna xusay in dowladdiisa aan la siin fursad ay ciidamada ku dhisato.

Shariif, wuxuu qiray in kooxaha mucaaradku oo Al-Qaacida ka tirsan ay khibrad dhinaca dagaalka leeyihiin oo muddo 30 sanno ahba ay soo wadeen dagaallo ay shacabka ku dhibaataynayeenn.

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu ka hadlay wixii u qabsoomay intii uu xilka hayay, isagoo xusay in dowladdiisu ay ku guuleysatay arrimo dhowr ah oo ay mid yihiin; dhismaha ciidanka, tababarka, qalabeynta, dib u dhiska dekedda iyo garoonka diyaaraha Muqdisho.

Madaxweyne Shariif, wuxuu ka dhawaajiyay in la soo afjaray khilaafkii ka dhexjira hay'addaha dowladda KMG, wixii haatan ka danbeeyana dowladdiisa laga rajaynayo waxqabad muuqda.

Wareysiga Madaxweyne Shariif qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG