Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Codka qarsoodiga ayaa lagu codeynayaa


Shariif: Codka qarsoodiga ayaa lagu codeynayaa
Shariif: Codka qarsoodiga ayaa lagu codeynayaa

Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka horyimid eed ku saabsan ansixinta R/wasaaraha oo uga timid dhinaca madaxweyne Shariif

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Sh. Adan ayaa si weyn u qaadacay go’aamo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Shariif kuwaasoo sharci darro ku tilmaamay xildhibaannada wata mooshinka dalbanaya in ansixinta raisal-wasaaraha codbixinta qarsoodiga loogu codeeyo.

Guddoomiye Shariif Xasan ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiska ku sheegay in codaynta kalsooni siinta wasiirka koowaad aysan noqon doonin gacantaag sida uu qabo qodobka 34aad ee xeerhoosaadka oo qeexaya in kalsoonisiinta wasiirka kowaad ay tahay mid qarsoodi ah.

Guddoomiye baarlamaanka ayaa xubnaha baarlamaanka ugu baaqay in ay kasoo qaybgalaan kulanka Baarlamaanka ee kalsooni siinta Ra’iisuwasaaraha magacaaban maalinimada Arbacada ah, wuxuuna guddoomiyuhu AMISOM ka codsaday ay aminga adkeeynaa, maadaama ay soo baxeen warar iskhilaafsan oo dhiilo xanbaarsan kuwaasoo abuuri kara khalkhal iyo qalalaase.

War-saxaafadeedkan ayaa beesha beesha caalamka ugu baaqay inay soona diraan goobjoogayaal xaqiijiya natiijadda kalsooni siinta Ra’iisuwasaaraha magacaaban.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa war-saxaafadeedkiisa ugu dalbay madaxweyne Shariif inuu Baarlamaanka ka daayaa cadaadiska iyo faragelinta si uu howshiisa ama xaqiisa dimoqoraadiga ah u fuliyo. Wuxuu shacabka ugu baaqay in aysan ku kadsoomin abuubullada gurracan ee lagu wiiqayo habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka. Waxaa sidoo kale loogu baaqay hawlwadeenada maamulka gobolka Banaadir in ay xilalkooda ku ekaadaan joojiyaanna waxyaalaha dhiiladda kicin kara.

XS
SM
MD
LG