Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay warbixinta QM


Madaxweyne Shariif oo ka hadlay warbixinta QM
Madaxweyne Shariif oo ka hadlay warbixinta QM

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa warbixinta guddiga dabagalka QM ku tilmaamay mid ka kooban run iyo been iswadata.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu Sheekh Shariif wuxuu ka hadlay warbixinta guddiga QM ee dabagalka xayiraadda hubka Somalia. Sheekh Shariif wuxuu eedeynta loo soo jeediyay ciidamada dowladdiisa ee lagu tilmaamay ciidan aan dhisneyn, ku sheegay inay tahay mid meel ka dhac ah oo been abuur ah. Sheekh Shariif wuxuu kaloo mid laga bad-badiyay oo la been abuuray ku tilmaamay wararka sheegaya in 80% ciidamada dowladiisa ay ku biiraan kooxaha Mucaaradka.

Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in eedeynta ku saabsan in qaar katirsan saraakisha dowladdu ay iibsadaan viisooyinka ay taasi tahay mid aan waxba ka jirin.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in inkastoo qeybo ka mid ah warbixinta ay run ahaan karaan, balse hadana qaarkood ay yihiiin sidii warar fadhi-ku-dirir oo kale. Madaxweynaha Somalia wuxuu sheegay in warbixintan aysan gacan siinayn dadaalka dowladiisu ugu jirto nabad ku soo dabaallida Somalia. Madaxweynaha Somalia, wuxuu sheegay in ay guddi u saari doonaan ka soo baaraandaga waxyaabaha ku qoran warbixinta, kadibna jawaab ka soo saari doona.

Shirkaasi jaraaid, madaxweyne Shariif wuxuu sidoo kale uga hadlay heshiiskii ay Addis-Ababa ku gaareen dowladda iyo Ahlu-Sunna. Shariif wuxuu soo dhaweeyay heshiiska Addis Ababa, isagoo sheegay in dowladdiisu ay tahay mid dib-u-heshiisiineed oo dadaal badan ugu jirto inay la hadasho cid walba kadibna ku soo biiriso dowladda.

Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegayin heshiiskaasi oo sidoo kale ay gacan ka geysatay dowladda Ethiopia uu yahay guul u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG