Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif: Al-Qaacida waan ka xoreynaynaa Somalia


Madaxweyne Shariif
Madaxweyne Shariif

Madaxweynaha Somalia, Sh. Sharif ayaa wacad ku maray in ciidamadiisu ay Somalia ka xoreynayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Hadalkan wuxuu Sh. Sharif ka yiri khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay sanadguurada koowaad ee dowladiisa. Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in ciidamadiisa ay haatan diyaar u yihiin inay dalka ka xoreeyaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda. Shariif wuxuu qiray in xukuumaddiisu ay sanadkii la soo dhaafay aysan howllo fiican qaban, taasina ay ka danbeysay caqabadaha ay kala horyimaadeen kooxaha mucaaaradku.

Madaxweyne Shariif, wuxuu xusay in ciidamada iyo Bileyska dowladiisu ay haatan ka tayo fiican yihiin sanadkii hore, isla markaana ay diyaar u yihiin inay talaabooyin ay aminiga ku sugayaan qaadaan. Sheekh Shariif, wuxuu qudbadiisa sidoo kale uu ku canbaareeyey kooxaha mucaaradka oo uu sheegay inay been ka sheegayaan diinta Islaamka, isla markaana ay marin habaabinayaan qaar ka tirsan bulshada iyagoo isticmaalaya magaca diinta.

Munaasabadda sanadguurada waxaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhowr madfac oo hoobiyayaal ah oo kooxaha mucaaradku ay ku soo tuureen, waxaana la sheegay in madaafiicdaasi ay dhaliyeen dhimashada laba askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee AMISOM.

Warbixinta khudbada madaxweyne Shariif, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG