Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Sharif oo Beeniyay in Madaxda DKMG ay Lacag Lunsatay


Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si weyn u beeniyay eedaha lagu shaaciyay warbixinta ka soo baxday guddiga QM ee dabagalka cunaqateynta Somalia iyo Eritrea ee sheegaysa in isaga iyo madax ka tirsan dowladiisa ay lunsadeen hantida dadweynaha.

Madaxweyne Shariif ayaa guddiga ku tilmaamay kuwo cadow ku ah Soomaaliya isagoo madaxa guddigan oo lagu magacaabo Matt Bryden ku eedeeyay inuu ka shaqeeyo kala goynta Somalia.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in ujeedada kal danbeysa warbixintan ay tahay sidii loo dhaawici lahaa sumcada dowladda isla markaana loo weecin lahaa xilliga kala guurka.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixinta hadalka madaxweyne Shariif.

XS
SM
MD
LG