Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Shaqaalaha Saliida oo Shaqada Joojinaya


Nigeria: Shaqaalaha Saliida oo Shaqada Joojinaya
Nigeria: Shaqaalaha Saliida oo Shaqada Joojinaya

Urur shaqaale oo weyn oo ka shaqeeya saliida dalkaasi Nigeria ayaa ku dhaqaaqi doona shaqo joojin laga bilaabo maalinta axadda ah ee soo socota, hadii dowladda wadankaasi aysan soo celin, qarashaad dadku aad ugu tiirsanaayeen oo lagu kabi jiri, dadka isticmaala shidaalka.

Ururka la magac baxay The Petroleum And Natural Gas Senior Staff Association ayaa sheegay khamiistii shalay, in talaabadaasi oo aysan jecelysan ay qaadan doonaan, hadii aysan dowladda aysan aqbalin dalankooda.

Dalka Nageriaya ayaa waxa uu dibadda u dhoofiyaa maalin kasta in badan laba milyan oo fuusto oo shidaalka ceyrinka ah.

Shaqo oo jijintan oo hakad gelin karta wax soo saarkaasina waxey saameyneysaa dhaqaalaha dalkaasi, iyo xitaa qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.

XS
SM
MD
LG