Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan Saxafi oo Laga Kaxeystay Magaalada Wajaale


Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay
Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay

Wararka ka imanaya Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ay magaalada Wajaale ka kaxaysteen shan weriye oo u shaqaynayey hay’adaha warbaahinta ee kala duwan ee Somaliland kadib markii loogu yeedhay shir jaraa’id.

Ciidamada kaxaystay saxafiyiintan ayaa geeyey magaalada Jigjiga, iyaga oo markii dambe soo daayey afar ka mida halka lala hadhay weriye u shaqaynayey telefiishanka Horn Cable TV.

Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA MAxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay sidoo kale hawada ka saartay telefiishanka HCTV.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka ee Hargeisa ku waraystay.

Saxafiyiin laga kaxeystay Wajaale
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:26 0:00

XS
SM
MD
LG