Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab: Turkey waa Gumeysi Hor Dhac ah


Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in doorka Turkey ee Somalia uu yahay gumeysi hor dhac ah oo ay wataan reer Yurub.

Afhayeenka Al-shabaab, Cali Dheere ayaa sheegay inaan lagu kadsoomin siyaasadda Turkey ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale shirka ka dhici doona Istanbul ku tilmaamay mid daba socda shirkii dhawaan ka dhacay London oo Soomaaliya lagu doonayo in lagu gumeysto.

Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in Turkey ay ciribtirayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo dalka ka dhoofiya xoollaha dhadiga ah.

XS
SM
MD
LG