Isku xirrada

War

Shabab iyo Lahaystaha Faransiiska


Shabab ayaa bogga internet-ka ku soo bandhigtay cajalad muuqaal ah oo muujinaysa sarkaalka Fransiiska ee ay afduub ahaanta u haystaan.

Denis Allex oo ah Sarkaalka u dhashay Faransiiska ee ay haysteen kooxda al-Shabaab ayaa Faransiiska ugu baaqay inay ka shaqeeyaan siideyntiisa.

Sarkaalkan ayaa hadalkaasi ka jeediyey cajalad Video ah oo uu ka soo dhex muuqday maanta, taasoo lagu faafiyey bogga Internet-ka,

Cajaladan ayaa lagu baahiyey bogga YouTube-ka iyo kuwa kale, wuxuuna Denis Allex ugu baaqay shacabka Faransiiska inay ka shaqeeyaan sidii loo sii deyn
lahaa.

Allex ayaa cajaladaasi ka akhriyay dhowr shardi oo ay kooxda Al-Shabaab ku xirtay sii
deyntiisa. Wuxuu sheegay inay in Al-Shabaab ay dooneyso in Fransiisku uu Somalia kala noqdo taageerrada siyaasadeed iyo midda millitari oo uu siiyo DKMG ah ee Somalia, iyo inuu dhammaan la taliyayaashiisa kala boxo Somalia, isla markaana sidoo kale la baxo ciidankiisa ilaallada xeebaha ee jooga Geeska Africa.

Alex ayaa intii uu hadalka jeedinayey, waxaa ag-taagnaa afar nin oo wajigooda daboolan yahay oo wata qoryo iyo rasaas. Allex wuxuu
kamid yahay laba nin oo la taliye millatari ahaa oo iyagu doonayay inay tababar u fidiyaan ciidanka DKMG ah. Labadaasi nin ayaa Muqdisho lagu afduubtay sanadkii hore.

Ninkii kale ee la socday sarkaalkan ayaa ka baxsaday kooxihii heystay, bishii August 2009.

XS
SM
MD
LG