Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo WFP ka mamnuucday Somalia


Maleeshiyada Al-Shabab
Maleeshiyada Al-Shabab

Al-Shabab ayaa soo saartay qoraal ay WFP uga mamnuucayo Somalia. Shababku waxay sheegeen in WFP raashin dhacay ay mucaano ahaan dalka u keeni jirtay

Kooxda al-Shabaab ayaa soo saartay warbixin digniin ah oo ay ku sheegtay inay tahay tii ugu dambeysay ee ay u jeedinayso Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP.

Qoraalka digniinta ee al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Hay’adda WFP aanay ka hawlgeli karin dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena warbixinta loogu digay cid kasta oo ku lug yeelata hawlaha Hay’adaasi ayna u aqoonsan doonaan qof dhaqaale burburin ku haya dalka.

Kooxda al-Shabaab waxay qoraalkeeda ku sheegtay in ay soo xaqiiqsadeen raashiinka ay WFP mucaawino ahaanta u keeni jirtay dalka Soomaaliya uu ahaa raashiin Dhacay, isla markaana si siyaasadeysan loogu adeegayay Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay al-shabaab soo saarto digniin ka dhan ah WFP, inkastoo digniintan ugu dambeysa ay cabsi gelineyso cid kasta oo ku lug leh hawlaha WFP oo ay ku jiraan gawaarrida xamuulka ah ee raashiinka daabula.

XS
SM
MD
LG