Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Xukun ku Ridday Shirkadda Amal


Shabaab oo Xukun ku Ridday Shirkadda Amal
Shabaab oo Xukun ku Ridday Shirkadda Amal

Maxkamada ururka Al-shabaab ayaa maanta Xukun ku riday Shirkada Amal Bank oo ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha .

Xukunkan ayaa yimid kadib markii lagu eedeeyay in goobaha ay ka taliyaan Al Shabaab ay ka qeybisay Buugaag ay soo daabacday oo aan anshaxa ku wanaagsaneyn kuwaas oo dhaawacay ugaysana Shareecada islaamka , sida ay Al Shabaab Sheegtay.

Qaadiga Maxkamada Alshabaab Sheekh Cabdul-Xaaq oo saxaafada kula hadlay goobta ay ka dhacaysa dacwada shirkada ayaa gabagabadii ka hadlay waxa uu xukunku yahay.


Waxaana uu tilmaamay in Shirkaddu ay soo daabcaday buugaag xayaysiis ah oo aan waafaqsnayn sida uu sheegay Shareecada Islaamka.

Al Shabaab ayaa ku xukuntay shirkadda Amal in ay soo daabacaan 70 kun oo kitaab oo islaami ah.

Goobta ay ka dhacaysay Maxkamada ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiin shirkada Amal ka socoday kuwaas oo aan wax war ah saxaafada siinin hadana waxa ay noqonaysaa markii ugu horey oo xukun ay Alshabaab ku ridaan Shirkadaha Xawaaladaha Muqdisho.

XS
SM
MD
LG