Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Raashin Gubay


Kooxda Shabaab ayaa goob fagaaro ah ku gubay raashin hay'ada (WFP) ay ugu tala gashay dadka baahan ee ku sugan Muqdisho iyo Gobollo kale.

Raashinkan oo ku rarnaa ilaa 6 gaari oo ah nooca xamuulka qaada oo ay gacanta ku dhigeen ururka al Shabaab ayaa lagu gubay deegaanka Gubadleey ee duleedka magaalada Muqdisho

Shir jaraa'id oo uu saxaafada u qabtay wakiilka Shabaabka ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayuu ku faah faahiyay sababaha ay ku qoonsadeen raashinka.

Waaxana uu tilmaamay in (WFP) ay horay ugu sheegeen in halkii ay raashin ka keeni lahaayeen ay ka iibsadaan raashinka dadka beeralayda ah ee Soomaaliyeed, taasoo uu tilmaamay in ay dhagaha ka furaysteen,

Wakiilka Shabaab ee Banadir ayaa tibaaxay in raashinkaasi uu yahay , sida uu hadalka u dhigay, mid la doonayo in dadka lagu sumeeyo.

Sidoo kale waxa uu shirkiisa jaraa'id digniin ugu soo jeediyay dadka danaynaya in ay qaataan mucaawinada raashinka ah ee ay (WFP, isagoo sheegay in cidii lagu qabto raashinka (WFP) ay ciqaab dil ah mutaysan doonto .

Digniintan iyo amarada ka soo baxay ururka al shabaab ee ku aadan in aan la isticmaali karin raashinka mucaawinada ah ee hay'ada (WFP) ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaantan ay hay'ada (WFP) howlo raashin qaybin ah ka bilawday deegaano ka tirsan gobolka banaadir

Iyadoo raashinkaasina ay aad ugu baahan yihiin dadka barakacayaasha ah ee tabaalaysan kuwaasoo ay xilligan la soo daristay daruufo dhinaca nolosha ah,

Dhcadadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo lagu gudo jiro bisha ramadaan oo ay xaaladda dadku aad ugu adag tahay

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay ururka al shabaab magaalada Muqdisho iyo gobolada dalkaba ay ka mamnuucaan waxqabadka hay'adaha samafalka, waxana horay u jiray xayiraad ay ku soo rogeen qaar badan oo ka tirsan hay'adaha gargaarka ee ka howl gali jiray caasimada Muqdisho iyo meelo badan oo ka tirsan gobolada dalka.

XS
SM
MD
LG