Isku xirrada

War

Shabaab oo laga Qabsaday Beled-Xaawo

  • VOA Somali

Shabaab oo laga Qabsaday Beled-Xaawo

Shabaab oo laga Qabsaday Beled-Xaawo

Dagaalo culus ayaa tan iyo todobaadkii hore ka socday ka socday degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo, halkaasoo tan iyo todobaadkii hore dagaallo culus ku dhexmarayeen ciidanka dowladda iyo kooxda al-Shabaab.

Wasiirka gaashaan-dhigga ee dowladda KMG ah Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Muqdisho ka sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen degmadaasi u dhow xuduudda Kenya.

Weli ma kala cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladdu kula wareegeen degmada Beled-Xaawo.

Sheeq Isxaaq Xuseen Mursal oo sheegtay inuu yahay taliyaha gaadiidka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa VOA u sheegay, in xaaladda degmadu ay xasiloon tahay ayna ka saareen maleeshiyadii haysatay ee al-Shabaab.

Sheekh Isxaaq ayaa intaa ku daray in gaadiid kuwa dagaalka kaga qabsadeen dagaalkaasi kooxda al-Shabaab.

Balse ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadiisa.



XS
SM
MD
LG