Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo ku Hawllan Burburinta Qubuuraha


Masjidka Biyamaalow
Masjidka Biyamaalow

Ururka Al-Shaabaab ayaa maalintii saddaxaad howlgallo qabuuro burburin ah ka wada degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa waxay maanta burburiyeen qabrigii Macalin Max’ed Biyamaaloow, iyagoo gudaha u galay masjidka Biyamaaloow oo ku yaalla degmad Howlwadaag, halkaas oo uu sheekhu ku aasnaa. Malleeshiyada Shabaab ayaa bannaanka usoo saaray lafaha Macallin Biyamaaloow.

Sheekh Saacid Karakataay oo ururka Al-Shabab u qaabilsan waxa uu ururku ugu yeero la dagaallanka shirkiyaadka, ayaa mar uu saxaafada kula hadlayey gudaha Masjidka Macallin Biyamaalow, wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlaha burburinta qabuuraha mashaa’ikhdii hore

Maalmihii lasoo dhaafay, malleeshiyada al-Shabaab ayaa sidoo kale burburiyey qabuuraha qaar kamid ah culimada ugu waaweyn dariiqooyinka Suufiyada, sida Sh. Muxudiin Celi, Sh. Cali Muumin iyo Sh. Aadan Dheere.


XS
SM
MD
LG