Isku xirrada

War

Shabaab oo Dad ku xirxiray Ceel-buur


Shabaab oo Dad ku xirxiray Ceel-buur

Shabaab oo Dad ku xirxiray Ceel-buur

Kooxda al-Shabaab ayaa 5 qof ku xirxirtay degmada Ceel-Buur gee gobolka Galguduud, kuwaasoo isugu jira ganacsato iyo Odayaal.

Kooxda al-Shabaab ayaa ugu yaraan 5 qof ku xirxiray degmada Ceel-Buur ee gobolka Galguduud. Dadka la xirxiray waxay isugu jiraan ganacsato iyo odayaal, sida ay VOA-da u sheegeen ilo wargal ah.

Ganactada la xirxiray waxaa ku jira Xasan Carab oo caan ka ah gobolkaasi.

Shabaabka ayaa la sheegay inay u diideen ehelada ganacsadahaasi in la soo booqdo, waxayna sidoo kale xabsiga dhigeen odayaal iyo ganacsato booqasho ugu tegay ganacsadahaasi.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariggaasi, hase yeeshee dad xog xogaal ah ayaa sheegaya inay salka ku hayso lacago ay Shabaabku ka qaadaan ganacsatada.

XS
SM
MD
LG