Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo dagaallamay


Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo dagaallamay
Shabaab iyo Ahlu-Sunna oo dagaallamay

Xoogagga ururka Ahlu-Sunna Walmajaaca iyo kuwa al-Shabaab ayaa dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Dhiirimaadle ee gobolka Hiiraan.

Sida ay xaqiijinayaan ilo madaxbannaan In ka badan 9 Ruux oo 7 Ka mid ah ay yihiin malayshaadka Alshabaab ayaa ku geeriyooday 12 kalana waxaa ka soo gaaray dhaawac, dagaal mudo 5 Saac ka badan ku dhexmaray Xoogagga Ahlu Sunna Iyo kuwa Alshabaab degaan lagu magacaabo Dhiirimaadle oo Qiyaastii 40KM dhinaca waqooyi bari uga began Beledweyne.

Dagaalka oo ah kii ugu xoogganaa bilihii ugu dambeyay ayaa u muuqanayaa in horumar ay ka sameyeen ciidamda Ahlu Suna.

Aadan Cabdulle oo ka mid ah horjoogayaasha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, ayaa VOA u sheegay in dhinacooda ay dagaalkaasi kaga dhimatay qaar kalena kaga dhaawacmeen. Hase yeeshee wuxuu intaa raaciyay in ay iyagu gacanta ku hayaan deegaanka Dhirrimaadle.

XS
SM
MD
LG