Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Qabsaday Saldhig Muhiim ah


Malleeshiyada Shabaab ayaa ciidanka DKMG ah ee Somalia ka qabsaday Xerada Gaadiidka ee ku taalla degmada C/caziiz ee waqooyiga magaalada Muqdisho

Malleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa dagaal xooggan oo ay galabta kusoo qaadeen saldhig ay ciidanka DKMG ah ku lahaayeen degmada C/caziiz ee waqooyiga Muqdisho, waxay kula wareegeen saldhiggaas oo la yiraahdo Xerada Gaadiidka.

Ugu yaraan 7 dagaal-yahan oo labada dhinac ayaa inta la xaqiijiyey ku dhintay dagaalka galabta dhacay, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Malleeshiyada al-Shabaab ayaa sidoo kale muddo kooban la wareegay gacan ku heynta Saldhigga Bari ee isla degmada C/caziiz, inkastoo wararka soo gaaraya VOA-da ay sheegayaan in halkaas dib looga riixay.

Rasaasta iyo daryanka madaafiicda ay labada dhinac is-weydaarsanayaan ayaa wali laga maqlayaa qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ay soo qaadeen malleeshiyada al-Shabaab ayaa kusoo beegamayay iyadoo ay dowladda KMG ah in muddo ah hadal heysay howlgal military ballaaran oo ay sheegtay inay dib ugula wareegeyso caasimadda Muqdisho, balse waxaa imminka shaki laga muujin karaa inuu howlgalkaas yahay mid dhicisoobay iyo inkale.

XS
SM
MD
LG