Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh. Sharif oo ka Horyimid in Dad Gaar ah laga Reebo Baarlamaanka


Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa ka hadlay qaabka loo soo xulayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif iyo Mahiga ayaa sheegay in guddiga farsamadu uusan qofna bartilmaameedsan karin isla markaana uusan ka reebi karin baarlamaanka cusub, waxayna sheegeen in iyadoo la raacayo go'aanadii Garoowe in guddiga howshiisu tahay oo kaliya eegista shuruuddaha lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka.
Shariif iyo Mahiga waxay sheegeen in odoyaasha dhaqanku ay yihiin kuwa iska leh awoodda lagu soo xulayo xildhibaannada baarlamaanka.
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:59 0:00
XS
SM
MD
LG