Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Seychelles oo soo Bad-baadisay Kaluumaysato


Seychelles oo soo Bad-baadisay Kaluumaysato
Seychelles oo soo Bad-baadisay Kaluumaysato

Ciidamada xeebaha ee jaziiradda Seychelles ayaa soo furtay kaluumaysato ay doonidoodii afduubteen burcad-badeedda Soomaalida.

Xukuumadda jaziiradda Seychelles ayaa sheegtay in ciidamada xeebaha ee jaziiraddaasi ay soo bad-baadiyeen kaluumaysato u dhashay jaziiraddaasi oo doonidoodii ay Salaasadii afduubteen barcad-badeed Soomaali ah oo ku sugan badweynta Hindiya.

Xafiiska madaxweynaha Seychelles ayaa sheegay in ciidamada xeebuhu ay howlgal ay maanta oo Arbaco ah ka fuliyeen meel 240 KM dhinaca waqooyi bari kaga toogan jaziirada Maho ku soo qab-qateen toddobo burcad-badeed ah, iyadoo howlgalkaasi lagu dhaawacay 3 burcad-badeed iyo mid ka mid ah kaluumaysatada la soo bad-baadiyay.

Jaziiradda Seychelles ay Isniintii Somaliland iyo Puntland la saxiixatay heshiis dhigaya inay u soo wareejiso dadka danbiyada burcad-badeednimada lagu helo si ay u halkaasi ugu dhamaystaan xabsiyada lagu xukumo. Heshiiskan ayaa lagu gaaray shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay Dubai.

XS
SM
MD
LG