Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabad-joojin la Dhex-dhigay Israa'il iyo Falastin


Masar ayaa ku dhawaaqday xabad-joojin laga dhexdhaliyay Isreal iyo Falastiiniyiinta Xamaas.

Xabad-joojinta ayaa dhaqangalaysa caawa saacaddu markay tahay 9-ka habeennimo dhinaca Gaza.

Wasiirka arrimaha dibedda Masar, Maxamed Kamel Camar ayaa hadalkan kaga dhawaaqay magaalada Qaahira isagoo ay la taagnayn xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton.

Xabad-joojinta ayaa imanaysa saacaddo yar kadib markii dadaallo nabadeed ay socdeen oo ay ku lug lahaayeen, Xoghaye Clinton iyo XGQM, Ban ki-Moon.

Clinton ayaa ammaantay dowladda cusub ee Masar dadaalka iyo doorka ay arrintan ka qaadatay, iyadoo sheegtay in Masar iyo Maraykanku ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan talaabbo xigta ee la qaadayo.

Inta aan xabad-joojinta lagu dhawaaqin, weerarro ayaa ruxay labada dhinacba. Ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza, iyadoo 21 Israaeliyiin ah lagu dhaawacay qarax bus oo ka dhacay Tel Aviv.

140 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tan iyo markii ay bilowdeen dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo Israel, halka Falastiin ay uga dhinteen 5 qof.

XS
SM
MD
LG