Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkozy oo Djibouti booqday


Sarkozy oo Djibouti booqday
Sarkozy oo Djibouti booqday

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa madaxda Djibouti u sheegay in France sii wadi doonto taageerrada ay Djibouti siiso

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy oo booqasho gaaban ku tagay Djibouti ayaa madaxda dalkaasi u sheegay in Faransiisku uu sii wadi doono taageerrada dhaqaale ee uu Djibouti siiyo.

Nicolas Sarkozy wuxuu kulan la qaatay madaxweyne Geelle iyo madaxda Djibouti, isagoo u sheegay in France ay barbar taagan tahay kana shaqeynayso xasiloonida iyo ammaanka Djibouti, wuxuuna sheegay in dib ay u eegi doonaan heshiisyadda gaashaandhiga ee labada dal ka dhaxeeya.

Sarkozy wuxuu sheegay in France ay ka mid ahayd wadamadii taageeray qaraarkii golaha amniga ee Qaramada Midoobay kaasoo lagu canbaareynayay weerarkii Eritrea ay ku qaaday xadka kala dhexeeya Djibouti,

Sarkozy, wuxuu carabka ku dhuftay in France ay taageersan tahay dadaalka Djibouti ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda

Madaxweynaha Faransiiska Sarkozy waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Madaxweynaha Djibouti Ismacil Cumar Geelle.

Warbixinta safarka Sarkozy ee Djibouti qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG