Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Jabuuti Oo Xiriirka U Jartay Iran


Maxamuud Cali Yuusuf
Maxamuud Cali Yuusuf

Go’aankan ay qaadatay Jabuuti ayaa waxaa VOA u sheegay wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Dalka Jabuuti ayaa maanta sheegay inuu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, kadib weerarkii dhowaan dad carreysan ay ku qaadeen safaaradda Sucuudiga ee magaalada Tehran.

Go’aankan oo lagu shaaciyey bayaan kasoo baxay dowladda Jabuuti, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay VOA.

Jabuuti ayaa waxaa xiriir aad u wanaagsan oo qoto dheer uu kala dhaxeeyaa Saudi Arabia.

Go’aanka Jabuuti, ayaa ka dambeysay markii sidoo kale ay Iran xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalalka Saudi Arabia, Bahrain iyo Sudan, halka Imaaraadka Carabtana ay hoos u dhigeen xiriirka. Dhammaan afartan dal ayaa xubno ka ah ururka Jaamacadda Carabta, oo axadda qaban doono kulan gaar ah oo arrintan ku saabsan.

Xuseen Barre Aadan ayaa faahfaahinta warkan ka waraystay weriyahayaga Ramadaan Muuse oo la xiriiray mas’uuliyiinta dawladda Jabuuti.

Jabuuti oo xiriirka u jartay Iran
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00

XS
SM
MD
LG