Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil Boolis oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Turkiga


Laba sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay qarax baabuur oo ka dhacay banaanka xarun booliis oo ku taalla meel u dhow xadka dalka Syria ee dalka Turkiga.

Qiyaastii labaatan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay magaalada Midyat ee Koonfurta Bari ee dalkaas, oo dadka Kurdish-ka ah ay ku badan yihiin.

Shalay un ayay ahayd markii qarax kale lala beegsaday bas ay saranaayeen saraakiil booliis, kaasi oo dilay 11 qof oo ay ku jiraan toddoba sarkaal, islamarkaana dhaawacay 36 qof oo kale.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda labada qarax, hase yeeshee kooxda Daacish ayaa dhowaanahan qaraxyo dhowr ah ka fulineysay dalka Turkiga.

Kooxda PKK ee Kurdish-ka ayaa sidoo kale tan iyo bishii July beegsaneysay booliiska iyo milatariga Turkiga.

XS
SM
MD
LG