Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sanca: Xaaladda Dalka Somalia oo laga hadlay


Wasiirka Arr.Dibadda ee Somalia
Wasiirka Arr.Dibadda ee Somalia

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka ku jira ururka kulanka Sanca ayaa gabagabada shirkooda soo saaray go'aanno ku wajahan Somalia.

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Djibouti, Somalia, Yemen iyo Ethiopia oo la isku yidhaahdo dalalka kulanka Sanca ayaa isku raacay in lagama maarmaan ay tahay taageerada DKMG.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Yuusuf Xasan Ibraahim ( Dheeg) oo saxaafadda u warramay ayaa sheegay in la isku raacay in DKMG lagu taageero wax kasta oo looga hortagi karo kooxaha dagaalada wada.
Dalalka shirka ka soo qayb galay ayaa si wadajir ah iyo si gaar gaar ah u ballan qaaday in ay iskaasi la samayn doonaan Somalia.
Arrimaha kale ee kulankaasi looga hadlay ayaa waxa ka mid ahayd sidii loo xallin lahaa dhibaatada Budhcad badeedda.
Faahifahinta warkaasi ka dhegayso qaybta hoose ee boggaWasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Djibouti, Somalia, Yemen iyo Ethiopia oo la isku yidhaahdo dalalka kulanka Sanca ayaa isku raacay in lagama maarmaan ay tahay taageerada DKMG.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Yuusuf Xasan Ibraahim ( Dheeg) oo saxaafadda u warramay ayaa sheegay in la isku raacay in DKMG lagu taageero wax kasta oo looga hortagi karo kooxaha dagaalada wada.

Dalalka shirka ka soo qayb galay ayaa si wadajir ah iyo si gaar gaar ah u ballan qaaday in ay iskaasi la samayn doonaan Somalia.

Arrimaha kale ee kulankaasi looga hadlay ayaa waxa ka mid ahayd sidii loo xallin lahaa dhibaatada Budhcad badeedda.

Faahifahinta warkaasi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG