Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sameynta Daawada Been Abuurka (Q-2)


Sameynta Daawada Been Abuurka (Q-2)
Sameynta Daawada Been Abuurka (Q-2)

VOA waxaa la soo xiriiray dad badan oo xog badan ka haya farsamada loo adeegsado sameynta daawooyinka been abuurka.

Barnaamij ku saabsanaa Dhibaatooyinka Daawooyinka Beenabuurka ah oo dhowaan ka baxay idaacadda ayaa dhakhaatiirta Soomaalida ah ee aan waraysanay noo sheegeen in qayb badan oo ka mid ah daaowoyinka ganacsi ahaanta u yimaadda Soomaaliya ay been abuur yihiin, kuwaasi oo nuxurka daawo ee ku jira uu dhiman yahay ama ka badan yahay qiyaastii loogu talogalay taasoo aan dadka ka bogsiinin xanuunka, amaba sii dhaawacda caafimaadkooda.

Daawooyinka waddanka soo gala ayaa 75 ay yihiin kuwo ku yimaada qaabka ganacsiga, iyadoo inta kalena ay hay'aduhu keenaan.

Waxaa haddaba idaacadda VOA lasoo xiriiriayayey dhakhaatiir iyo dad kale oo waaya-aragnimo u leh dhibaatooyinka daawooyinka been abuurka ah iyo weliba dad kale oo macluumaad ka hayaan hurgumada daawooyinka been abuurka ah iyo kuwa dhacay ee bulshada Soomalaida dhexdeeda.

XS
SM
MD
LG