Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Salah Abdeslam Oo Maanta Su'aalo La Weydiinayo


Salah Abdeslam
Salah Abdeslam

Salah Abdeslam, oo ah ninka ugu weyn ee lala xiriirinayo weeraradii magaalada Paris ka dhacay bishii November ee sanadkii tagay, ayaa waxaa maanta su’aalo weydiin doona dambi baarayaasha dalka Faransiiska, markii ugu horeeysya tan iyo markii laga soo masaafuriyey dalka Belgium.

Wararka laga heli doono ayaa la rajeynayaa inay xog ka bixiyaan qaabkii loo qorsheeyey loona fuliyey weeraradii ay xagjiriinta ka fuliyeen magaalada Paris.

Waxaa sidoo kale suurto-gal ah inuu faahfaahin ka bixiyo xiriirka ka dhaxeyn kara weerarada Paris iyo Brussels oo labaduba ay fulisay kooxda Daacish.

Abdeslam ayaa hoos u dhigay kaalinta uu ku lahaa labada weerar kadib su’aalo ay weydiiyeen mas’uuliyiinta dalka Belgium, wuxuuna sheegay inuu qeyb un ka ahaa qorshaha oo uu dejiyey Abdelhamid Abaaoud.

Abdeslam ayaa saaxib muddo fog la ahaa hoggaamiyaha kooxda weerarka fulisay Abdelhamid Abaaoud, oo geeriyooday.

XS
SM
MD
LG