Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex Qarax oo in ka Badan 20 Qof ku Dilay Baghdad


In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyooday magaalada Baghdad kadib markii mintidiin ay dhowr bam ku qarxiyeen gudaha iyo hareeraha magaalada, maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen saraakiisha Ciraq.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa ayaa ka dhacay xaafadda Shiicadu ay kubadan tahay ee Shaab ee woqoyiga magaalada Baghdad, halkaasi oo 11 qof ay ku geeiryoodeen in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen, markii qof ismiidamaiye ah uu baabuur qaraxyo lagu buuxiyey uu kaga soo gudbo meel dadka lagu baaro.

Qof kale oo ismiidaamiye ah ayaa isna qarax baabuur ku dilay lix qof islamarkaana ku dhaawacay 20 kale, markii uu isku qarxiyey meel u dhow xarun booliis oo ku taalla deegaanka Suniyiintu ay ku badan yihiin ee Tarmiyah ee isla woqooyiga Baghdad.

Sidoo kale qof isna watay Mooto ayaa isku qarxiyey magaalada Sadr ee shiicada, isaga oo dilay saddex qof, islamarkaana dhaawacay 10 kale.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda labada weerar ee Shaab iyo Sadr, wax yar kadib un markii bambooyinka ay qarxeen, xilli uu socdo howlgal ciidamada Ciraq ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Daacish ay haysato ee Fallujah.

XS
SM
MD
LG